BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA KOBAC:
Ku Saabsan Hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:
================================
Xisbiga KOBAC wuxuu si adag uga jawaabayaa hadalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhawaan ka jeediyay fagaarayaasha, kaas oo uu ku sheegay in uu subaxdii yahay qof kale, galabtiina qof kale, fiidkiina qof kale, isla markaana uu maalin kasta yahay qof cusub oo ku saleysan xaaladda uu ku jiro waqtigaas.
Hadalkan waa mid “khatar ah, niyad jebinaya shacabka”,
isla markaana muujinaya in hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka uu ka leexday mabda’ii, degganaantii iyo masuuliyaddii looga fadhiyay.
Hoggaamiye qaran lagama filayo inuu beddelo dabeecaddiisa iyo go’aankiisa mar kasta oo xaalad soo wajahdo.
Waxaa looga baahan yahay inuu ahaado qof mabda’ leh, daacad ah, oo masuuliyadtiisa u guto si joogto ah.
Marka madaxweynuhu si cad u qirto in uu yahay qof isbeddel badan oo aan hal mowqif ku dhaganeyn, waa masiibo.
waxay taasi muujineysaa kalsooni darro, hoggaan aan degganayn, iyo luminta jihadii qaranka.
Xisbiga KOBAC wuxuu rumeysan yahay in hoggaamiye lagu kalsoonaan karo uu yahay mid go’an, adag leh, mabda’ qaran oo adag leh, oo aan mar walba isu beddelin danihiisa siyaasadeed ama xaaladaha ku soo baxa, balse ah mid u adeega danta guud ee shacabka.
Sidaas awgeed, Xisbiga KOBAC wuxuu si cad u leeyahay:
Madaxweynaha waa inuu is casilaa.
Soomaaliya maanta ma awoodi karto hoggaan is beddela subax walba, balse waxay u baahan tahay hoggaan deggan, isku halleyn leh, lehna aragti iyo masuuliyad waarta.
Xisbiga KOBAC wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, aqoonyahannada, dhalinyarada, iyo bulshada rayidka ah in ay mideeyaan codkooda si ay u dalbadaan hoggaan dhab ah — mid aan isu beddelin, daniihia gaar ka ah balse beddela dalka, kun hoggaamiya
Cadaalad iyo sinnaan.
WD: Gudoomiyaha Xisbiga Kobac Mr Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:
www.xisbigakobac.com
