Tusmada Bidhaamiye:

XISBIGA KOBAC
Kobci Maskaxda, Xoojinta shacabka iyo wax ka badalka Qaranka:

BAYAAN RASMII AH
KU SAABSAN XARIGGA MUWAADINIINTA U HALGAMAY DHULKA DANTA GUUD:

==========================

Xisbiga KOBAC waxa uu si adag u cambaaraynayaa xarigga iyo tacaddiga sharci darrada ah ee loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u istaagay difaaca xuquuqda dadka laga barakiciyey suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa u istaagay matalaadda bulshada nugul iyo ilaalinta dhulka danta guud, si looga hortago barakicin iyo burbur dhaqaale oo baโ€™an, balse halkii codkooda la dhageysan lahaa, waxa lagu abaalmariyey xarig iyo caburin ciidan, taas oo muujinaysa in awoodaha amniga loo adeegsaday dano gaar ah oo aan waafaqsanayn danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Muwaadiniinta la xiray waxaa ka mid ah:

Cabdi Shidane Hiraabe
Cabdullaahi Cabdi Maxamuud
Raaxo Xasan Jimcaale
Samsam Cumar Cali
Xabiiba Cabdi Cali

Xisbiga KOBAC waxa uu ku baaqayaa in:
Si degdeg ah oo shuruud laโ€™aan ah loo sii daayo dhammaan muwaadiniintaas.

Laga waantoobo xadgudubyada xuquuqda muwaadinka ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira xorriyadda hadalka, isu-soo-baxa, iyo muujinta cabashada nabadeed.

Dowladda Federaalka iyo laamaha amniga ay ka shaqeeyaan ilaalinta cadaaladda iyo dastuurka, halkii laga noqon lahaa kuwa jebiya xuquuqda muwaadiniinta.

Xisbiga KOBAC waxa uu mar kale xasuusinayaa in cabashada shacabka aysan ahayn dembi, balse ay tahay muujin nabadeed oo dastuuri ah, ayna tahay waajib dowladeed in la dhegeysto dadka la dhibaateeyey halkii la silcin lahaa.

Guddoomiyaha Xisbiga KOBAC
Mudane: Abdirahman Mohamed Ali (Bidhaamiye)
๐Ÿ“ Xafiiska Dhexe ee Xisbiga KOBAC
255 Kingston Road, London
๐Ÿ“ง xisbigakobac@gmail.com
www.xisbigakobac.com
๐Ÿ“ž +44 7722010420 | +252 612457733