Tusmada Bidhaamiye :
Nuxurka iyo Ujeeddada War-saxaafadeedka ay soo saareen:
==••===••====•••===:
Shirka Nairobi:
Waxaa lagu qabtay shir saddex maalmood ah (5–8 November 2025) oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Shirku wuxuu diiradda saaray xaaladda dalka, amniga, iyo diyaar garowga doorashooyinka 2026.
Go’aamada Shirku soo saaray:
In la qabto shirweyne qaran oo ka dhaca gudaha Soomaaliya, balse aan la cayimin goobta iyo taariikhda.
In la diido isbeddellada lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, maadaama aysan oggolayn wax ka beddelid aan lagu heshiin.
In la cambaareeyo “musuqa, boobka hantida qaranka, iyo xadgudubyada siyaasadeed” ee ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka.
In aysan aqbalayn doorasho kasta oo ka timaadda DFS haddii aysan ku dhisnayn heshiis iyo is-afgarad qaran.
In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, balse si adag looga hortago “tallaabooyinka lagu wiiqayo nidaamka federaalka”.
Fariinta guud:
Waa digniin siyaasadeed iyo baaq mideysan oo kasoo horjeeda dowladda federaalka ah, gaar ahaan isbeddellada dastuurka iyo muddo kororsiga suurtagalka ah ee hay’adaha dowladda.
===•••====•••••=====••••••======•••••••====
Falanqaynta iyo mowqifka laga qaadan karo:
Warmurtiyeedku wuxuu muujinayaa cabsi iyo caro siyaasadeed oo ku saabsan jihada dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.
In kasta oo ay sheegayaan “badbaadinta mustaqbalka dalka,” qoraalku ma bixiyo xalka dhameystiran ama qorshe mideyn kara shacabka oo dhan.
Waxaa ka muuqata mowqif mucaaradnimo toos ah oo aan tixgelin doorka dowladnimada dhexe iyo baahida loo qabo wada shaqeyn dhab ah.
Meelaha qaar waxaa laga dareemayaa ku milanka danaha maamul-goboleedyada iyo mucaaradka, halkii uu ka noqon lahaa qorshe qaran oo mideeya shacabka.
WQ:Guddoomiyaha Xisbiga Kobac Mudane Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:


