Waa nasiib darro iyo ayaan darro waxa ka socda Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Tallaabooyinka lagu beegsanayo dhulka shacabka waa musuq cad, halka ku tagrifalka awoodda dowladnimo uu gaaray heerkii ugu xumaa abid.
Waxaa si cad u muuqata in aanay jirin xeer lagu dhaqmo. Xukuumaddan ma laha nidaam sharciyadeed oo lagu xisaabtamo, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa kordhaya cabashooyinka shacabka.
Waxaa layaab leh in dadweynaha aan weli si buuxda ugu baraarugin awooddooda sharciyeed iyo midda bulsho ee ay kaga hortagi karaan dulmiga iyo xadgudubka socda.
Xisbiyada mucaaradka ah ma haystaan aragti mideysan ama qorshe cad oo ay kula tartamaan xukunka ama ay kaga hortagaan qalalaasaha jira.
Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre labaduba waxay si cad ugu xadgudbayaan, sharciga dalka waxayna u muuqdaan kuwo doonaya in ay mar kasta sii haystaan xukunka, iyagoo adeegsanaya awoodda hay’adaha dowliga ah si ay u caburiyaan dadka iyo mucaaradka.
Waxaa maanta muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah reer Muqdisho, ay yeeshaan wada-hadal macno leh oo dhab ah – mid loo ga gudba cabashooyin aan la dhagaysanayn oo aan waxba ka bedelaynin xaaladda.
Waxa maqan waa towfiiqda mideysa aragtida shacabka iyo abaabulka xoog leh ee lagu wajahayo caddaalad-darrada taagan.
Haddii la rabo in dulmiga iyo gumeysiga cusub ee maskaxda iyo hantida lagu hayo shacabka la suuliyo, waa in loo huraa xoog, xoolo, iyo waqti.
Waxaa lagama maarmaan ah in laga kaco heeryada lagu hayo bulshada, lana dhiso halgan ku dhisan wacyi, is-afgarad, iyo karti hoggaamineed.
WQ : Gudoomiyaha Xisbiga Kobac Mudane Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:
Leave a Reply