Tusmada Bidhaamiye
Maalintii Murugada Muqdisho
17 November 1991 – 17 November 2025:
“ 17 November 1991 : Waxay ahayd maalintii ay xoogga iyo cadownimada beeluhu burburiyeen 30 sano oo shaqo, hidde iyo dhisme qaran ah “
========••••••••••••••================
Xusuus, Bogsiin & Caffis.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim:
Maanta oo ay tahay 17 November 2025,
waxaan xasuusanahay (34 )sano oo ka soo wareegtay maalintii madoweed ee 17 November 1991.
Maalintii uu qarxay dagaalkii afarta bilood socday ee burbur, naf-waayid iyo dhaawac maskaxeed ku reebay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deganaa magaalada Muqdisho.
Maalintaas waxay calaamad u tahay xusuus murrugo leh, maalintii ay madaafiicdii is-weydaarsiga maleeshiyaadku burburiyeen magaalada oo dhan, dabaqyadii dhulka lagu simay, iyo boqollaal kun oo qoys ay ku waayeen nolol,maal iyo wanaag.
Waa xusuus weli qalbigeenna ku reeban — xusuus murugo iyo mahadho ah, balse maanta noqotay bog ka mid ah taariikhdeena oo aynu ka gudubnay.
Waa maalin u taagan murugu, 17 November maanta ma aha oo keliya taariikh — waa boog maskaxeed oo jiil walba uu xusuusto.
17 November Waa maalin lagu xasuusto mugdii ku habsaday Muqdisho—maalin dad Soomaaliyeed ay isu arkeen col halkii ay ka ahaan lahaayeen walaalo. Waa maalin calaamad u noqotay kala fogaansho, barakac, cabsi iyo burbur aan loo meel dayin.
17 November 1991 Waa maalintii magaalada ay u ekaatay goob aan lahayn naf iyo nolol, dadkuna ay u kala yaaceen sidii dabayshu ugu kala qaybiso ciid.
17 November 1991 Waxaa dhacay wax aan weligeen ka qoomamayn doonno, oo jiilal badan u sii ahaan doona cashar aan la illoobi karin.
Waa maalin ku taagan bogga madow ee taariikhda Soomaaliyeed—maalin aan u magacaabi karno “Maalintii Qarracan iyo Qaylodhaan Umaddeed.
🙈 Sababta?
Waa maalintii noloshu ay istaagtay,
Qoysas is waayeen,
Muqdisho ay noqotay magaalo u ooyaysa dadkeeda,
Qabiil iyo colaadna ay gooyeen xididdadii walaaltinimada. Waa maalin Soomaalidii kale oo dhan ay Others ahaayeen,
Waa maalin ku saabsan:
- Walaalihii isku dilay magac beeleed
- Qoysaskii aan dib u midoobin
- Hanti iyo dhaqan la burburiyay
- Rajo dad badan qalbigooda ku bakhtiday.
Laakiin waa maalin inoo noqotay cashar weyn — cashar ku saabsan waxa dhacay iyo sababta aan mar danbe u oggolaan karin in qabiil iyo xukun jacayl uu noo burburiyo.
Dagaalkii 4 nilloodka Waa Bilowga Burburka
Marka rasaas la is weydaarsado:
- Xigto waxay noqotaa cadow,
- Deris wuxuu noqdaa dilaa ama la-dilaa,
- Gabar iyo wiil aan weligood wax galabsan waxay • noqdaan dhibbanayaal,
- Magaalada waxay isu beddeshaa meel ay oohin iyo qiiq uun ka kacaan.
Sida aan ku aragnay 17 November 1991, Muqdisho waxay noqotay magaalo ay baaba’een dhismayaal, dad iyo damiir.
Waxay ahayd maalintii ay xoogga iyo cadownimada beeluhu burburiyeen 30 sano oo shaqo, hidde iyo dhisme qaran ah haa oo 21 Sanno oo ka mid ah lahu xasuusto Jaale Mohamed Siyaad Barre, taariiqna inooga tagay:
Ugu danbeyn. Ha la is cafiyo
Baaq Cafis, Walaaltinimo & Mustaqbal Wanaagsan:
===••••••••
Muddo 34 sano ah ayaa laga joogaa musiibadii dhacay, balse dhaawacii nafsiga ahaa weli wuxuu ku jiraa dad badan.
Haddana maanta waxaan leenahay:
Waan xusuusaneynaa, laakiin colaad dib uma furayno.
Waan xanuunsanahay, laakiin cadowtinimada ma sii fogeynayno.
Waannan ilaawayn waxii dhacay laakiin cafiska waxa uu ka qurux badan yahay xasuusta xanuunka 17 November:
Waa in aan isku naxariisanaa, isu samo-falnaa, oo aan ka guurnaa kala qeybsanaantii hore.
Waa in aan isku aragnaa hal qaran, hal dad, oo leh hal qiyam.
Gunaanad
Maanta waa maalin murugo, xasuus iyo wacyigelin leh.
Laakiin sidoo kale waa maalin lagu dhisayo:
Nabadda
Midnimada
Is-jiritaanka
Daryeelka jiilalka soo socda:
Allaha u naxariisto dhammaan intii ku nafwaysay.
Allaha u bogsiiyo qalbiyada dhaawacmay.
Allaha u horseedo ummadda Soomaaliyeed midnimo, samir iyo nabad waarta.
xisbiga Kobac: Kobci Maanka : Dhis Qaranka:
WQ : Gudoomiyaha Xisbiga Kobac Mudane. Abdirahman Mohamed Ali : Bidhaamiye