Category: Tusmadda Bidhaamiye

  • Baaq Canbaareyn ah Ku saabsan Xarigga Sharci-darrada ah ee Nabadoon Xaadoole

    Baaq Canbaareyn ah Ku saabsan Xarigga Sharci-darrada ah ee Nabadoon Xaadoole

    Xisbiga KOBAC waxa uu si adag u canbaareynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geeystay Nabadoon Xaadoole, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kadib hadal uu kaga soo horjeestay dhul-boobka iyo barakicinta ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku waddo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

    Nabadoon Xaadoole waxa uu xaqiiqsaday in goobaha dadka laga barakiciyay ay u muuqdaan xaalad la mid ah midda ka taagan Gaza, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan laga aamusi karin.

    Hadalkiisa kadib, waxa uu la kulmay xarig ciidan oo baal-marsan Dastuurka Federaalka, kaas oo si cad u dhigaya in xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo aragtida siyaasadeed la dhowro, shacabkana aan dhibaato loogu geysan karin hadalkooda iyo fikirka ay cabbiraan.

    》Xisbiga KOBAC waxa uu ku baaqayaa:

    ● In si degdeg ah loo sii daayo Nabadoon Xaadoole, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

    ● In dowladda Federaalka ay joojiso falalka dhul-boobka iyo barakicinta dadka shacabka ah, kuwaas oo keenaya cadaalad-darro, barakac iyo xaalad amni darro.

    ● In madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga ay ixtiraamaan dastuurka dalka, isla markaana ay sugaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, oo ay ugu horreyso xorriyadda hadalka iyo aragtida.

    》 Xisbiga KOBAC waxa uu shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yahay dadaallada lagu difaacayo xuquuqdooda, isla markaana waxa uu ku baaqayaa in dowladdu ka shaqeyso nabadda, cadaaladda iyo ilaalinta hantida shacabka, halkii ay ka abuuri lahayd cadaadis iyo caburin.

    Baaqan waxa soo saaray:

    Guddoomiyaha Xisbiga KOBAC

    Jaale Abdirahman Mohamed Ali (Bidhaamiye)

  • Nasiib-darro Qaran iyo Dulmi Isdaba-joog ah: Muqdisho oo Mugdi Galeysa hadaan laga waantoobin waxa socda

    Nasiib-darro Qaran iyo Dulmi Isdaba-joog ah: Muqdisho oo Mugdi Galeysa hadaan laga waantoobin waxa socda

    Waa nasiib darro iyo ayaan darro waxa ka socda Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Tallaabooyinka lagu beegsanayo dhulka shacabka waa musuq cad, halka ku tagrifalka awoodda dowladnimo uu gaaray heerkii ugu xumaa abid.

    Waxaa si cad u muuqata in aanay jirin xeer lagu dhaqmo. Xukuumaddan ma laha nidaam sharciyadeed oo lagu xisaabtamo, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa kordhaya cabashooyinka shacabka.

    Waxaa layaab leh in dadweynaha aan weli si buuxda ugu baraarugin awooddooda sharciyeed iyo midda bulsho ee ay kaga hortagi karaan dulmiga iyo xadgudubka socda.

    Xisbiyada mucaaradka ah ma haystaan aragti mideysan ama qorshe cad oo ay kula tartamaan xukunka ama ay kaga hortagaan qalalaasaha jira.

    Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre labaduba waxay si cad ugu xadgudbayaan, sharciga dalka waxayna u muuqdaan kuwo doonaya in ay mar kasta sii haystaan xukunka, iyagoo adeegsanaya awoodda hay’adaha dowliga ah si ay u caburiyaan dadka iyo mucaaradka.

    Waxaa maanta muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah reer Muqdisho, ay yeeshaan wada-hadal macno leh oo dhab ah – mid loo ga gudba cabashooyin aan la dhagaysanayn oo aan waxba ka bedelaynin xaaladda.

    Waxa maqan waa towfiiqda mideysa aragtida shacabka iyo abaabulka xoog leh ee lagu wajahayo caddaalad-darrada taagan.

    Haddii la rabo in dulmiga iyo gumeysiga cusub ee maskaxda iyo hantida lagu hayo shacabka la suuliyo, waa in loo huraa xoog, xoolo, iyo waqti.

    Waxaa lagama maarmaan ah in laga kaco heeryada lagu hayo bulshada, lana dhiso halgan ku dhisan wacyi, is-afgarad, iyo karti hoggaamineed.

    WQ : Gudoomiyaha Xisbiga Kobac Mudane Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:

  • Faallo Siyaasadeed: Hoggaan La’aanta iyo Jahawareerka Dowladnimo

    Faallo Siyaasadeed: Hoggaan La’aanta iyo Jahawareerka Dowladnimo

    Waxaa layaab iyo amakaag ig ridaya in la arko Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo isla markaana ah Duqa Muqdisho, oo xiran dhar tuuto ciidan ah, kuna hadlaya deegaan ka baxsan gobolka uu masuulka ka yahay, isagoo ay garab socdaan ciidan la sheegay in ay dowladdu leedahay.

    Tani waxay si cad u muujineysaa in aysan jirin kala xadeyn shaqo iyo mas’uuliyad oo ka dhexeysa laamaha dowladda—arrin u dhiganta kala garasho la-aanta masuuliyadda ayaa jirta oo ma jirto wax “job discrimination” la yiraah, oo dhinaca dowladnimada ah, taas oo baalmaraysa nidaamka saxda ah ee kala xadaynta awoodaha.

    Guddoomiyaha gobolka, isla markaana ah duq magaalo, shaqadiisu ma aha in uu qaato masuuliyadda hawlgal ciidan, waana tusaale muuqda oo muujinaya jahawareerka hannaanka dowladnimo ee dalka ka jira.

    Horey baanu dadka ugu sheegnay in dowladdan aysan lahayn aqoon dowladnimo, waxaana muuqda jaantaa rogan iyo isku dhex yaac mas’uuliyadeed oo joogto ah. Intaa waxaa in dheer boobka hantida qaranka iyo dii dadwaybaha.

    Waxaanu leenahay Sadka Dadwaynaha waa Sun.

    Tusaalooyin hore ayaa jira. Waxaa xusid mudan Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir, Marxuum Farxaan Qaroole, oo isaga qudhiisa u baxay deegaan aan ka tirsaneyn masuuliyaddiisa, halkaas oo markii dambe lagu dilay.

    Haddana waxaan arkaynaa taliyihii badalay, Mr. Mahdi, oo isaguna hawlgal ka fulinaya Afgooye iyo Qoryooley, inkastoo aysan ahayn goobaha uu masuul ka yahay. Hadana ma garan in uu isaga is diray iyo in loo diray. Mid ay ahaataba waa yilaabo qaldan iyo isku dhax yaaca aan kor ku soo xusay.

    Arrimahan oo dhan waxay ka turjumayaan nidaam la’aan, hoggaan la’aan, iyo ku takri-fal awood dowladeed.

    Waxaa intaas dheer in dhowaan dowladda ay si bareer ah u barakicisay dad masaakiin ah, dhulkoodana siisatay dhaqaale ay doonayaan in ay ku gorgortamaan, si doorasho lagu sheegay mustaqbalka ay iyagu ugu soo baxaan tartan aan xaq ahayn, oo laga reebayo cid kasta oo kale.

    Taasi hadey dhacdo waa caddaalad darro kale oo mug weyn.

    Sidaas darteed, bulshada Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan isbeddel dhab ah oo ka wanaagsan kan hadda jira. Waxaa loo baahan yahay hoggaan leh aragti cad, qorshe horumarineed, iyo faham dowladnimo.

    Xisbiga KOBAC wuxuu u taagan yahay aragtidaas dhabta ah ee maqan—mid ku dhisan dowladnimo, caddaalad, iyo horumar loo wada dhan yahay.

    Xisbiga KOBAC wuxuu u taagan yahay aragtidaas dhabta ah ee maqan—mid ku dhisan dowladnimo, caddaalad, iyo horumar loo wada dhan yahay.

    WQ Gudoomiye Xisbiga Kobac Mudane Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye