Xisbiga KOBAC waxa uu si adag u canbaareynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geeystay Nabadoon Xaadoole, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kadib hadal uu kaga soo horjeestay dhul-boobka iyo barakicinta ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku waddo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Nabadoon Xaadoole waxa uu xaqiiqsaday in goobaha dadka laga barakiciyay ay u muuqdaan xaalad la mid ah midda ka taagan Gaza, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan laga aamusi karin.
Hadalkiisa kadib, waxa uu la kulmay xarig ciidan oo baal-marsan Dastuurka Federaalka, kaas oo si cad u dhigaya in xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo aragtida siyaasadeed la dhowro, shacabkana aan dhibaato loogu geysan karin hadalkooda iyo fikirka ay cabbiraan.
》Xisbiga KOBAC waxa uu ku baaqayaa:
● In si degdeg ah loo sii daayo Nabadoon Xaadoole, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
● In dowladda Federaalka ay joojiso falalka dhul-boobka iyo barakicinta dadka shacabka ah, kuwaas oo keenaya cadaalad-darro, barakac iyo xaalad amni darro.
● In madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga ay ixtiraamaan dastuurka dalka, isla markaana ay sugaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, oo ay ugu horreyso xorriyadda hadalka iyo aragtida.
》 Xisbiga KOBAC waxa uu shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yahay dadaallada lagu difaacayo xuquuqdooda, isla markaana waxa uu ku baaqayaa in dowladdu ka shaqeyso nabadda, cadaaladda iyo ilaalinta hantida shacabka, halkii ay ka abuuri lahayd cadaadis iyo caburin.
Baaqan waxa soo saaray:
Guddoomiyaha Xisbiga KOBAC
Jaale Abdirahman Mohamed Ali (Bidhaamiye)