Tusmada Bidhaamiye:

Maqaal: Doorasho Ku Sheeg, Musuq Iyo Muran Ka jira Nidaamka Diiwaangelinta:

Ma ogtahay in afar degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir laga reebay doorashooyin ku sheega ka dhaceysa Hobolka banaadir kuwasoo kal ah Daarasalaam, Gunadkeey, Garasbaaleey, iyo Kaxda mase ogtahay in dowladu tiraah waa waxa dowladdu ugu yeertay “doorasho” loo simanyahay?

Ma ogtahay in sababta rasmiga ah ee shacabka loo ga reebay ay tahay tuhun la sheegay in deegaanadaas ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab? Taasi waa dood ay dowladda ku marmarsiiyootay, balse micnaheedu yahay in boqolaal kun oo muwaadiniin ah lagu sheegay “ma-ahaan karto in aad codeyso’’—taas oo ah jab weyn oo ku dhaca xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Intaas waxaa sii dheer, diiwaangelintii ugu horreysay ee dowladda sameysay waxay ahayd mid lagu fuliyay qasab, iyadoo qofkii is diiwaangelinaya aan laga rabin wax aqoonsi ah.

Sidaas darteed, waxaa la qoray tiro badan oo aan la hubin, lagumana kalsoonaan karo.

Haddana maanta waxay dowladda leedahay: gudiga doorasjooyinka waranka ayaa kaarka awoonsiga ee “NIRA bixineysa kaararka aqoonsiga ee lagu diiwaangelinayo.” Su’aashu waxay tahay:

Maxaa lagu beeninayaa diiwaangelintii hore? Halkeese buu ku dambeeyay xogtii boobka ahayd ee aqoonsi la’aanta lagu sameeyay?

Xisbiga kobac Kobci Maanka Qaranka Dhis.

WQ: Bidhaamiye