BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA.KOBAC

Tusmada Bidhaamiye:

BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA KOBAC
Ku Saabsan: Muhiimadda Xasiloonida Siyaasadeed iyo Diyaar-garowga Doorashada 2026:
====••••====••••====••••=====•••===••====•

Xisbiga KOBAC wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha dalka xusuusinayaa in xasiloonida siyaasadeed ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo nabadda, wadajirka bulshada, iyo horumarka qaranka. Xasiloonidu ma aha wax koox gaar ah mudnaan u leh; waa yool qaran iyo mas’uuliyad caalami ah oo dal walba u taagan yahay.

Maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad u diyaargarowga doorashada 2026, waxaa muuqata in siyaasiyiinta iyo ololayaasha kala duwan ay suran yihiin, taasina waa arrin dabiici ah oo qeyb ka ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda. Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga KOBAC wuxuu adkeynayaa muhiimadda ah in doorashadu noqoto mid ku dhisan nabad, deganaan iyo mas’uuliyad, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara xiisad, muran aan loo baahnayn, ama dhaawac gaarsiiya midnimada shacabka.

KOBAC wuxuu ku boorinayaa dhammaan dhinacyada:

In la ilaaliyo xasiloonida dalka, laguna dadaalo in doodaha siyaasadeed ay noqdaan kuwo edeb leh oo qaranimo ku dhisan.

In ololaha doorashadu aanu noqon mid lagu kala fogeynayo bulshada, balse uu noqdo mid dadka u horseeda faham, is-xushmad iyo wadajir.

In la xoojiyo wadahadalka iyo isku tanaasulka, si loo yareeyo meelaha khilaafku ka dhalan karo.
In shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujiyo deganaan, kuna dhiirrigelinayo in ay ka fogaadaan dacaayadaha, kicinta iyo wararka sababi kara qalqal.

In dhammaan awoodaha dalka — dowlad, mucaarad, iyo bulshada rayidka — ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo midnimada dadka.

Aragtida Xisbiga KOBAC:

Xisbiga KOBAC wuxuu aaminsan yahay in xasiloonida siyaasadeed ay tahay hanka aan la siyaasadeyn karin, waana saldhigga horumarka, maalgashiga, caddaaladda, iyo dowladnimada waarta. Siyaasiyiintu way is beddeli karaan, hase yeeshee Soomaaliya waa hal, waxaana waajib ah in qof walba uu ka sarreysiiyo danta qaranka.
KOBAC wuxuu u arkaa doorashada 2026 inay tahay fursad dahabi ah oo lagu muujiyo biseyl siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd il dhaqaajisa muran iyo kala-jab.

Gunaanad

Xisbiga KOBAC wuxuu mar kale shacabka iyo hoggaanka dalka u xaqiijinayaa inuu ka go’an yahay:
••••••

Ilaalinta nabadda,
Difaaca midnimada bulshada,
Iyo ka shaqeynta isbeddel wanaagsan oo ku dhisan cadaalad, sinaan iyo horumar loo wada dhan yahay.

Doorashada 2026 waa in ay noqotaa mid nabad ku dhacda, natiijadeeduna ay noqoto mid shacabka u horseeda mustaqbal ka wanaagsan, ee aan lagu lumin olole kicin iyo khilaaf siyaasadeed oo aan wax faa’iido ah u keenayn ummadda.

Xisbiga KOBAC
“Kobci Maanka — Horumari Qaranka”