Tusmada Bidhaamiye:
Warmurtiyeedka Xisbiga KOBAC ee ku aaddan xaalada dalka iyo war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
WAR-SAXAAFADEED – XISBIGA KOBAC
===•••===•••===•••===••==•=====•••===
Taariikh: 13 November 2025
Goob: London, UK:
Xisbiga KOBAC wuxuu si dhow ula socday shirarkii dhowaan lagu qabtay magaalada Nairobi ee ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo isbeddellada dastuurka.
Xisbiga KOBAC isagoo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed ee dalka, wuxuu soo bandhigayaa mowqifkiisa rasmiga ah oo ku dhisan xasilooni, midnimo, iyo mustaqbal wadajir ah:
Midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed waa lama taabtaan.
Xisbiga KOBAC wuxuu aaminsan yahay in midnimada Soomaaliya iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed aysan noqon karin aalad siyaasadeed oo lagu kala fogaado. Shir kasta oo lagu qabanayo dalka gudihiisa waa in uu noqdaa mid furan, daah-furan, oo aan cid gaar ah u adeegayn, si shacabka oo dhan ay u dareemaan lahaansho iyo kalsooni.
- Dastuurka waa heshiis qaran, ee ha noqdo goob wadatashi, ma aha dagaal siyaasadeed.
KOBAC wuxuu ku baaqayaa in isbeddel kasta oo dastuurka lagu sameynayo uu noqdo mid lagu gaaro wada-tashi qaran oo ballaaran, iyadoo la tixgelinayo dhammaan maamulada iyo bulshada rayidka. Balse, lama aqbali karo wax ka beddelid lagu sameeyo si aan sharciyad buuxda u lahayn ama lagu daciifinayo hay’adaha dowladnimo. - Dowladnimadu waa in ay ka tarjuntaa wada-shaqeyn iyo daacadnimo, ma aha is-diido siyaasadeed.
KOBAC wuxuu aaminsan yahay in dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay yihiin laba garab oo isku tiirsan, ee aan is burin. Khilaafyada joogtada ah waxay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo sumcadda Soomaaliya caalamka hortiisa. Sidaas darteed, KOBAC wuxuu ku baaqayaa in la soo celiyo miiska wadahadalka, laguna xalliyo khilaafaadka si hufan oo walaaltinimo ah. - Doorashooyinka 2026 waa fursad qaran, ha noqonin khilaaf cusub.
KOBAC wuxuu ku adkeysanayaa in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo xalaal ah, waqtigooda ku dhaca, laguna dhisayo nidaam caddaalad ah. Doorasho kasta oo lagu dhiso heshiis siyaasadeed oo cid gaar ah u janjeerta waa mid dhaawacaysa kalsoonida shacabka. - Xisbiga KOBAC wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed:
In ay mideeyaan codkooda, ka fogaadaan dacaayadaha kala qaybinta, kana qayb qaataan badbaadinta mustaqbalka Soomaaliya iyadoo lagu dhisayo kalsooni, sinnaan iyo cadaalad.
———————————————-
Gunaanad:
Xisbiga KOBAC wuxuu ku adkeysanayaa in mustaqbalka Soomaaliya lagu badbaadin karo wada hadal, wadatashi, iyo kalsooni dhab ah. KOBAC wuxuu diyaar u yahay inuu qayb weyn ka qaato mideynta aragtida siyaasadeed ee dalka iyo dhismaha nidaam dowladeed oo caddaalad iyo is-aaminaad ku dhisan.
Xisbiga KOBAC – “Kobci Maanka, Dhis Dalka.”
WD: Guddoomiyaha xisbiga Kobac Mudane : Adbdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:

