BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA KOBAC

BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA KOBAC
Ku saabsan: Kala duwanaanta Afka iyo Ficilka – iyo Baahida Midnimo Qaran
Xisbiga KOBAC wuxuu ka hadlayaa arrin qaran oo mudan in si dhab ah loo fahmo — taas oo ah kala duwanaanta u dhexeysa waxa dadka Soomaaliyeed ay afkooda ku sheegaan iyo waxa ay ficil ahaan u sameeyaan.
Marar badan ayaa la maqlaa heesta calanka Soomaaliyeed ee tiraahda:
“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada, hadba kiina taagta daran taageera waligiin.”
Heesdan waa murti xambaarsan wadaninimo, isku tiirsanaan, iyo guubaabo ku aaddan in ummadda Soomaaliyeed ay isu gargaarto, isu hiilliso, oo midnimadeeda ilaaliso.

Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah in erayadaas quruxda badan aan ficil ahaan u dhaqan gelin. Waxaa inagu batay xasidnimo, is-naceyb iyo qabyaalad aan micno iyo maslaxad qaran toona ku dhisneyn.
Waxaa xusid mudan in xasidnimo iyo eex ay horseedeen dhacdooyin murugo leh oo taariikhda lagu xasuusto, sida dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ahaa bilowgii burburkii qaranimada Soomaaliyeed.
Qabyaaladdu waxay noqotay cudur bulsho, halisna ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Maanta waxaa inoo furan hal su’aal:

Goorma ayaynu ka tallaabsan doonnaa gidaarka madow ee qabyaaladda, xasidnimada iyo is-nacaybka?
Xisbiga KOBAC wuxuu rumeysan yahay in horumarka iyo midnimada qaranku aysan imaan karin ilaa afka iyo ficilka ay is waafaqaan. Qaran la dhisayaa ma aha mid ku dhisma hadal iyo ballan, ee waa mid ku dhisma ficil, daacadnimo, iyo isku tiirsanaan dhab ah.
Waxaa la joogaa waqtigii aynu dib isu eegno, aan iska fogeyno qabyaaladda, oo aan kor u qaadno qiyamka walaaltinimada, caddaaladda iyo wadajirka.

Xigmadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamaysa:

“Nin walaalkii neceb, ninkii shisheeye ma jecla.”
“Is-naceybku waa dab, dadna waa gubaaye, damintiisa waa daacadnimo.”
“Qabiil laguma dhaqaaqo, laakiin qaran ayaa lagu dhisaa.”

”Xaq iyo run haddii la wada raaco, qofna cid kale ma xaasido.”

Xisbiga KOBAC wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, in ay dib ugu noqdaan murtidaas qotada dheer, si loo helo bulsho isku duuban, dal caddaalad ah, iyo qaran han leh.

WQ: Gudoomiyaha Xisbka Kobac Mudane Abdirahman Mohamed Ali Bidhaamiye:
www.Xisbigakobac.com